Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

0

Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu laalay natiijada doorashadii isku-sidkanayd ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Luulyo 2026.

 

Guddiga ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare uu waafaqsan yahay qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo tilmaamaya awoodda Maxkamadda Sare u leedahay garnaqsiga iyo go’aaminta dacwadaha la xiriira doorashooyinka.

GMDQS ayaa sidoo kale sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee ku saabsan doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-goboleedka Galmudug.

Guddigu wuxuu intaas ku daray inuu muddo ka doonayo xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la raacayo go’aanka Maxkamadda Sare iyo habraacyada sharciga ah ee doorashooyinka.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda Sare ay soo saartay go’aan wax ka beddelaya natiijadii doorashadii Galmudug ee 30-kii Luulyo, taas oo hadda Guddiga Doorashooyinka uu sheegay inuu si rasmi ah u aqbalay.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here