Addis Ababa, Itoobiya – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ka qeyb galay kalfadhigii 76-aad ee Guddiga Gobolka Afrika ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.
Guddoomiyaha AU ayaa madasha kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Taye Atske, iyo Agaasimaha Guud ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, isagoo ku baaqay in Afrika ay xoojiso madax-bannaanideeda caafimaad.
Khudbaddiisa, Mahmoud Ali Youssouf ayaa sheegay in amniga caafimaadku uu udub dhexaad u yahay Afrika la doonayo in la dhiso, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalalka Afrika ay si tartiib ah u qaataan mas’uuliyad weyn oo ku saabsan caafimaadka dadkooda, iyadoo isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga caalamiga ah.
Youssouf ayaa ku baaqay in la dhiso nidaam caafimaad oo Afrikaan ah oo isku xiran, kaas oo ku saleysan diyaargarow xooggan, maalgelin waarta, hal-abuurka dhijitaalka ah, wax-soo-saarka dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee gudaha Afrika, iyo hay’ado qaaradeed oo wax-ku-ool ah. “Iskaashiga ma beddeli karo lahaanshaha,” ayuu yiri Guddoomiyaha AU, isagoo ku boorriyay dalalka Afrika inay si isa soo taraysa u maalgelinayaan mudnaanta caafimaadkooda iyagoo adeegsanaya kheyraadkooda gudaha.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga gudbo marxaladda ballanqaadyada loona gudbo hirgelin dhab ah, isla markaana Afrika ay ka gudubto ku-tiirsanaanta taageerada dibadda una dhaqaaqdo madax-bannaani caafimaad oo weyn, si loo gaaro natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan shacabka Afrika.
Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada caafimaadka iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday 47-ka dowladood ee xubnaha ka ah WHO ee gobolka Afrika, kuwaas oo ka wada hadlay siyaasadaha caafimaadka, istaraatiijiyadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo caafimaadka bulshada qaaradda.




