Guddiga doorashooyinka oo war cusub ka soo saaray doorashada G/Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) –  Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta war cusub kasoo saaray doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka bilaabatay dalka.

Ugu horreyn guddiga ayaa boggaadiyey guddiyada maamullaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi iyo Galmudug, kuwaas oo haatan ku howlan qabashada kuraas ka mid ah doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu bogaadinayaa guddiyada doorashooyinka Somaliland iyo Galmudug oo bilaabay Doorashada kuraasta Gollaha Shacabka waqtigii loogu tala galay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here