Guddiga FEIT oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada Garbahaarey

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ee FEIT ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddiga ayaa deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ka beddalay Garbahaarey, waxaana loo weeciyey Ceelwaaq, sida lagu sheegay go’aanka kasoo baxay FEIT.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa khilaaf in muddo ah ka taagnaa doorashada Garbahaarey oo soo jiitamayey tan iyo billowgii doorashooyinkii dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here