Guddiga FEIT oo war cusub kasoo saaray doorashadii lagu qabtay Ceelwaaq

0

CEELWAAQ (SMN) – Qoraal xasaasi ah oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa waxaa looga hadlay doorashada 16-ka kursi ee lagu qabtay degmada Ceelwaaq.

Guddiga ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhaariyo xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland, gaar ahaan magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaatay shahaadada xildhibaanimo

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gudanaya wajibaadkiisa shaqo kana jawaabaya baahida loo qabo dardargelinta iyo dhameystirka doorashooyinka iyo xaqa ay beeluhu u leeyihiin inay metalaad ku yeeshaan doorashada Golaha Shacabka .

  1. Markuu arkay waqtiga la qabanayo doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka
  2. Markuu arkay baahida loo qabo in xildhibaanada harsan aysan ka harin doorashooyinka
  3. Markuu arkay inay waajib tahay inay metalaadooda ay ugu qeyb galaan doorashada guddoonka aqalka hoose

Guddiga doorashooyinka wuxuu go’aamiyey:

In xildhibaanada lasoo doortay ee soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here