Rooble oo kulan la yeeshay guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Doorashooyinka labada Guddoon ee aqalka sare iyo Golaha shacabka ayaa loo balansan yahay in la qabto maalmaha fooda inagu soo haya.

Dhinaca kale Ra’iisul waasaraha oo soo saaray qoraal kooban ayaa hambalyo u diray Gudida hirgelinta doodashooyinka Heer fededaal iyo gudidda Doorashooyinka Jubaland oo maanta soo gabogabayey doorashada xubnaha Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd Ceelwaaq.

”Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo”

Rooble ayaa sidoo kale Hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee la doortay, isagoo u rajeynayey in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here