Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka hadashay Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badbaadada Rayidka

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa sheegtay in daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badbaadada Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidamada iyo Colaadaha Hubeysan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada rayidka, isla-xisaabtanka iyo kormeerka madaxbannaan.

 

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran, oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, mas’uuliyiin dowladeed, saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo ciidamada, iyo bah-wadaag kale.

Guddoomiyuhu waxay tilmaantay in siyaasaddani si cad u qeexayso mas’uuliyadaha hay’adaha ku lugta leh hawlgallada ciidamada iyo amniga, isla markaana ay Guddiga siinayso door madax-bannaan oo ku saabsan kormeerka, xaqiijinta xogta, baaritaanka cabashooyinka, warbixinta iyo soo-jeedinta talooyinka.

Waxay sidoo kale sheegtay in GMXIQ uu si dhow ula socon doono hirgelinta siyaasadda, baari doono cabashooyinka iyo dhacdooyinka la soo tebiyo, la socon doono arrimaha soo noqnoqda, isla markaana soo jeedin doono tallaabooyin sixid iyo ka-hortag ah, isagoo dabagal ku samayn doona talooyinka uu soo jeediyo.

Dr. Maryan waxay xaqiijisay in Guddigu uu la shaqayn doono dhammaan hay’adaha dowladda, laamaha amniga iyo ciidamada, dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo bah-wadaagta kale, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Guddiga, qiimayntiisa iyo go’aannadiisa.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxay carrabka ku adkaysay in ilaalinta bad-qabka rayidka lagu saleeyo Dastuurka Soomaaliya, xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.May be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here