Guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha oo deeq gaarsiiyey Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddiga qaranka ee gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa deeq raashin ah  gaarsiiyey Galmudug, iyadoo laga qaybiyey ilaa 8-degmo oo ay aqaladooda ku gaartay kaalmadu qoysas dhan 250 qoys oo ah danyar, Agoon iyo dad liita oo abaartu si aad ah u saameysay.

Raashin dhan 25kg oo bur ah, 25kg oo sokor ah iyo 3LT oo saliid ah ayaa la siiyey 250-kan qoys oo lagu kala gaarey degmooyinka Caabudwaaq, guriceel, Dhuusamareeb, Balambal, Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo hobyo

Gudigga qaranka ee gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa qaybinta deeqdan u wakiishey samafalayaal Howshan u gutay si hufan, waxaana kaalmadan la siiyey ka mahad celiyay qoysaska la gaarsiiyey oo qaarkood warbaahinta qaranka la hadalay aya sheegay in kaalmadan ay baahi weyn u qabeyn wax badana ay noloshooda ka dabari doonto.

Tirada qoysaska gurmadkan la gaarsiiyey oo tiro ahaan aad u kooban marka loo eego xaalada jirta ee ka dhalatey abaarta ayaa ka dhigaysa in loo sii baahan yahay taakulo baaxad leh si dadka tabaaleysan bisha ramadaan kaalmo uga dhigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here