Faah faahino kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Wanlaweyn

0

WANLAWEYN (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lala eegtay Guddoomiye ku xigeenka amniga degmadaasi Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Guduudow) oo ka bad-baaday weerarkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen wiil uu dhalay guddoomiye ku xigeenka amniga Wanlaweyn, halka uu dhaawac soo gaaray mid kamid ah Ilaaladiisa.

Sidoo kale waxa uu burbur oo gaaray gaariga guddoomiye ku xigeenka amniga Wanlaweyn ee qaraxa lala beegsaday.

Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Guduudow) oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xiliga qaraxa uu dhacayay uu sii galayey gurigiisa, balse uu ku dhintay wiilkiisa waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa oo goobta wada joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here