Guddiga SEIT ee HirShabelle oo shaaciyey jadwalka doorashada 11 kursi

0

BELEDWEYNE (SMN) – Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa waxaa lagu shaaciyey jadwalka doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla degmada Beledweyne.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono 8 iyo 9 bishaan Maarso ee sanadka 2022-ka, si loo dadajiyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here