Wada-hadalladii u socday Deni iyo Diyaano oo fashil kusoo dhamaaday

0

BOOSAASO (SMN) – Wada-hadalladii magaalada Boosaaso uga socday madaxweynaha Puntland iyo agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF ayaa fashil ku soo dhammaaday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni uu dalbaday in marka hore uu Diyaano aqbalo xilka qaadistii lagu sameeyey, kadibna laga wada-hadalo khilaafka taagan.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa dhankiisa ka biyo diiday dalabka Saciid Deni, wuxuuna ku adkeystay in marka hore la dhaqan-geliyo qodobadii ay soo saareen Isimada Puntland.

Wada-hadallada ayaa haatan lagu ballamay in markale la’isugu yimaado, si loo sii amba qaado kulamada u dhexeeya labada dhinac ee xalka loogu raadinayo xiisadda Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here