Guddiga xuquuqul insaanka oo ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas lagu dilay Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo Ikhlaas, oo ahayd gabar shan jir ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

Guddigu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si buuxda loo baaro dilka Ikhlaas, lana xaqiijiyo in cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahayd falka loo maro waddooyinka caddaaladda.

GMXIQ ayaa sidoo kale ku baaqay in qoyska gabadha loo xaqiijiyo caddaalad iyo isla-xisaabtan, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo ka hortagga falalka noocan oo kale ah.

Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ay khuseyso ay si hufan uga shaqeeyaan kiiska, si loo ogaado xaqiiqooyinka ku xeeran dilka iyo cidda mas’uulka ka ah. Dilka Ikhlaas ayaa walaac ka dhex abuuray bulshada Baydhabo, iyadoo baaqa GMXIQ uu kusoo aadayo xilli doodda ku saabsan amniga carruurta iyo isla-xisaabtanka dadka geysta dambiyada ay sii xoogeysaneyso.May be a doodle of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here