Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo taageerada la xiriirta marxaladda dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo dhisidda awoodda Guddiga, iyadoo si gaar ah loo xoojiyay wada-shaqeynta u dhexeysa Guddiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu falanqeeyay taageerada dhinacyada maamulka, la socodka xaaladaha xuquuqda aadanaha, maaraynta cabashooyinka iyo wacyigelinta bulshada.
Dr Maryam Qaasim ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dhismaha Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo madaxbannaan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana ku shaqeeya si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ee Paris.



