Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dardargelinta howlaha dowladda iyo saameynta culeysyada caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Adeegyada Amniga Gaarka ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo Hagaha Nidaamka Hanti-dhowrka Gudaha (Internal Audit Charter) oo ay Golaha horgeysay Wasaaradda Maaliyadda.
Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira fatahaadaha webiyada dalka iyo halista ku wajahan ilaha biyaha, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Dhanka kale, Hay’adda Tirakoobyada Qaranka ayaa Golaha u soo bandhigtay warbixin ku saabsan saameynta xasaradda ka taagan Marin-biyoodka Hormus iyo kororka sicirka badeecooyinka dalka.
Warbixinta ayaa muujisay in boqolkiiba 40% ay hoos u dhaceen badeecooyinkii dalka imaan jiray, taas oo sababtay in qiimaha cunnada uu kordho 10%, adeegyada caafimaadkana ay sare u kacaan 14%, halka badeecooyinka kale ay iyaguna qaali noqdeen.
Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday tallaabooyinka ugu habboon ee looga jawaabi karo xaaladaha jira, waxaana wasaaradaha ay khuseyso lagu amray inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo culeyska saaran shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan arrimaha xajka, iyadoo sheegtay in sanadkan xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay terminal gaar ah Garoonka Aadan Cadde.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ammaanay amniga iyo xasilloonida ka jirta qeybo badan oo dalka kamid ah, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida dalka.



