Dar es Salaam, Tanzania — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caananuug), ayaa magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania kaga qaybgalay Shirka Macdanta iyo Maalgashiga (Tanzania Mining and Investment Conference), oo qabsoomay intii u dhexeysay 19-kii ilaa 21-kii Nofeembar 2026.
Shirka oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal, khubaro iyo maalgashadayaal ka kala socday dalalka Afrika iyo caalamka, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda istaraatiijiyadeed ee khayraadka macdanta, kobcinta maalgashiga iyo sidii khayraadka dabiiciga ah loogu beddeli lahaa fursado dhaqaale oo waara, iyadoo la horumarinayo wax-soo-saarka iyo warshadaynta.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa intii uu shirku socday ka hadlay baahida loo qabo in dalalka Afrika ay ka gudbaan ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka ceeriin, una gudbaan nidaam dhaqaale oo ku dhisan wax-soo-saar, soo saarista khayraadka iyo dhiirrigelinta maalgashiga. Waxa uu sheegay in arrintani ay muhiim u tahay abuurista fursado shaqo, kobcinta maalgashiga iyo sidii bulshada looga faa’iideyn lahaa khayraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa madaxda kala duwan ee shirka ka soo qaybgashay u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isaga oo xusay in dalku leeyahay khayraad macdan oo baaxad leh, kaas oo haddii loo helo maalgashi, laguna horumariyo hababka ay dowladdu qorshaysay ee waafaqsan danaha qaranka Soomaaliyeed, wax weyn ka tari kara kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dowladnimada.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda, ganacsatada gudaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah, si looga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah loona xaqiijiyo horumar dhaqaale oo waara.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkaasi ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee lagu horumarinayo ka faa’iideysiga khayraadka macdanta, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo kor u qaadista dhaqaalaha, si loo wanaajiyo nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta qaaradda Afrika.




