Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qaabilay Danjiraha Aljeeriya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Maxamed Caliim.

 

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Aljeeriya. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado xiriirka iyo iskaashiga labada dal, kaas oo ku dhisan taariikh, walaaltinimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dhinac.

Danjiraha Aljeeriya ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay dib-u-dhaqaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan in Safaaradda Aljeeriya ee Soomaaliya ay si buuxda uga shaqeyso adkeynta iyo soo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dowladood. Gunaanadkii kulanka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Danjiraha Aljeeriya ayaa isla qaatay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Ummadda ee Jamhuuriyadda Aljeeriya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in labada gole ay yeeshaan xiriir joogto ah oo ku saleysan iskaashi baarlamaan, khibrad-is-weydaarsi iyo wadaagista aqoonta iyo waayo-aragnimada dhinacyada kala duwan ee howlaha baarlamaannada.May be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here