Guddoomiyaha Doolow oo Kormeeray Ciidamada Amniga Degmada

0

Doolow – Guddoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey, ayaa kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidamada Amniga Doolow, halkaas oo uu kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

 

Guddoomiye Lafeey ayaa xarunta waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Amniga Doolow, Maxamed Xasan Buulle “Sanka”, oo guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaaladda guud ee ciidamada, howlgalada amni ee socda iyo diyaar-garowga ciidamada ee la xiriira sugidda amniga iyo ka hortagga kooxaha Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Doolow ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka, howlkarnimada iyo naf-hurnimada ay ugu jiraan difaaca deegaanka iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Lafeey ayaa sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo dardar-gelinta howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, nabadda iyo xasilloonida deegaanka Doolow.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta maamulka degmada iyo ciidamada amniga, si loo adkeeyo amniga loona xaqiijiyo badqabka shacabka iyo deegaanka.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here