Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeybgalay furitaanka madal dood-wadaag ah oo ku saabsan xiriirka dhinacyada kala duwan ku dhisan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka cusub ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye uu ku billowday gargaar bani’aadannimo, balse uu si degdeg ah ugu gudbay horumarinta iyo ganacsiga, maantana uu marayo iskaashi istiraatiiji ah oo taabanaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo difaaca.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in muddadii lagu howlanaa dhisidda xiriirka labada dal uu soo maray xaalado kala duwan, kuwaas oo mid kasta uu lahaa caqabado iyo khataro u gaar ah. Waxa uu sheegay in khatarta ugu weyn ee xogaha marin-habaabinta ah ee ka dhanka ah danaha labada dal ay tahay mid dhaawacaysa kalsoonida ku saleysan qiyamka bani’aadannimada, Islaannimada iyo taariikhda xiriirka dheer ee u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Türkiye.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sidoo kale ku dardaarmay muhiimadda iyo saameynta baraha bulshada, kuwaas oo waqtigan si weyn uga saameyn badan warbaahinta la yaqaanay, isagoo sheegay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo doorka ay ku leeyihiin istiraatiijiyadda warbaahineed ee labada dal.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay awoodda labada dal iyo shacabka walaalaha ah ay u leeyihiin inay ilaashadaan danahooda isku-soohan, iskana difaacaan cid kasta oo doonaysa inay waxyeello u geysato iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.





