Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan Guutada 21-aad ee Gorgor, kuwaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar heer sare ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo saraakiisha ciidamada, isaga oo mid-mid u booqday xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, Isbitaalka Qaybta iyo xarumaha saadka. Waxa uu sidoo kale u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaar-garowgooda hawlaha qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Türkiye ay taageerayso dhismaha iyo tayeynta awoodda milateri ee Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta dowladda Turkiga ka qaadato tababarka iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
“Walaalaheen Turkidu ma jiraan wax ay naga rabaan oo aan ka ahayn inaan guuleysanno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta, isaga oo faray inay u diyaar-garoobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah in Soomaaliya laga xoreeyo Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Türkiye uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.






