Guddoomiyaha BF oo kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga.

 

Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaariijta ah, iyadoo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, waxayna Baarlamaanka Soomaaliyeed ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here