Nin gaari uu kala goostay Jubbaland u geeyay Al-Shabaab oo lasoo qabtay

0

DHOOBLEY (SMN) – Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo Janaayo 2023 gaari Hardtop ah kala goostay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland, kuwaas oo u galay Khawaarijta, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan.

 

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa October 2023, sidaan oo kale waxay Muqdisho ku qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si Khawaarijta ay uga iibsadaan.

Soo qabashada raggaan waxay muujineysaa in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hey’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here