Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Safar Shaqo ku tagayNairobi

0

Nairobi, Kenya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa safar shaqo ku yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jibriil Cabdirashiid.

 

Guddoomiyaha ayaa magaalada Nairobi ku shir-guddoominaya shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (East African Community – EAC).

Shirkan ayaa isu keenaya guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah urur-goboleedka Bulshada Bariga Afrika, si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira iskaashiga baarlamaannada, xoojinta xiriirka hay’adaha sharci-dejinta iyo qodobbada kale ee muhiimka u ah wada-shaqeynta dalalka ku mideysan urur-goboleedkaas.May be an image of one or more people, helicopter and textMay be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here