Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo Ka Qaybgalay Kulan Looga Hadlay Qiimaha Korontada

0

MUQDISHO – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa ka qaybgalay kulan wadatashi dadweyne oo looga hadlayay sare u kaca qiimaha korontada iyo caqabadaha ka dhashay.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in xal waara loo helo qiimaha korontada, iyadoo la tixgelinayo duruufaha dhaqaale ee shacabka iyo baahida loo qabo adeeg koronto oo la awoodi karo.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda, shirkadaha korontada iyo bulshada, si loo helo xalal wax-ku-ool ah oo kor loogu qaadayo helitaanka koronto la awoodi karo, isla markaana la dhowrayo danaha shacabka.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa muhiimad gaar ah siinaysa wada-tashiga iyo iskaashiga daneeyayaasha, si loo taageero horumar waara iyo helitaanka adeegyo tamareed oo daboolaya baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here