Baydhabo – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatiguduud kusoo dhoweeyay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hore ugu sugnaa magaalada Baydhabo, saraakiil kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale kulan horudhac ah la qaatay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay soo gaaray Baydhabo, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed. Intii uu kulanka socday, Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay isbeddelka nabdoon ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka magaalada Baydhabo ku ammaanay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen isbeddelka ka dhacay magaalada, isaga oo xusay in muddada uu joogo uu kulamo la qaadan doono odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in la dhisi doono maamul ku yimaada rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed.
Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baydhabo waxaa ku wehliya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.





