Kulankii ugu horreeyay ee Guddiga U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo lagu qabtay Xarunta SoDMA

0

Muqdisho – Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP).

 

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale, iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle. Waxaana ka qeyb galay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WFP, OCHA, UNICEF iyo FAO, Bangiga Adduunka, Midowga NGO-yada, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta wejiga koowaad ee qorshaha FSCPP, kaas oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaarta iyo amni darrada cunnada ee sii kordheysa. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay horumarka laga sameeyay deeqihii lagu ballanqaaday shirkii Bangiga Adduunka iyo baahida loo qabo in la dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.

Guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo hubiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshooyinka ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku baaqay in la xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loo yareeyo dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka jira dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here