Kampala, 13 Noofambar 2025 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalo-madaxda dalka Uganda ee Kampala.
Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe kusoo dhoweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare, iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kampala.
Inta uu ku sugan yahay dalka Uganda, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka qeyb geli doona shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga sharci-dejinta, kobcinta dhaqaalaha gobolka, iyo taageeridda dadaallada mideynta siyaasadda iyo ganacsiga dalalka xubnaha ka ah ururka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Uganda iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka EAC.








