Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Carabta, Mudane Sacad Bin Saliib Al-Cutaybi, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka loo doortay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo dhoweeyey xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee u dhexeeya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, si loo horumariyo danaha wadajirka ah iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya dalalka Carabta.




