Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ku qabatay wajiga labaad ee Wadatashiga Jiilasha ee Nabad-dhiska

0

MUQDISHO – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay wajiga labaad ee Wadatashiga Jiilasha ee Nabad-dhiska iyo Dowlad-wanaagga.

 

Madashan oo ay ka qaybgalayaan jiilal kala duwan, oo ay ku jiraan dhallinyaro, haween iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa ah fursad ay bulshadu si toos ah ula falgasho mas’uuliyiinta dowladda. Intii ay madashu socotay, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ka tarjumaya shaqada wasaaradda iyo sooyaalka qaran-dhiska Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Saadaad Caliyow, Wasiir-ku-xigeenka, Mudane Cabdixakiim Ashkir, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay khibradahooda ku aaddan dowlad-dhiska, iyagoo sidoo kale ka jawaabay su’aalihii ay soo jeediyeen dadweynaha.

Wajigan labaad ee madasha ayaa ujeeddadiisu tahay in shacabka loo soo dhoweeyo dowladda, iyadoo qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha ay muddo bil ah tababar ku qaadan doonaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, si ay faham guud uga helaan habsami-u-socodka shaqada dowladnimada.May be an image of one or more people, people studying, headscarf, newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here