Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan ay Soo Agaasimeen Safiirrada Carabta Kaga Qeyb Galay Muqdisho

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeyb galay kulan ay ku maamuuseen safiirrada dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya, kaas oo uu soo agaasimay Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Danjire Fadl Ali Ahmed Saleh.

 

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Yemen ee magaalada Muqdisho, waxaana Guddoomiyaha ku wehliyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay safiirrada dowladaha Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulanka si gaar ah ugu soo dhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay dalkiisa labaad.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ammaanay go’aanka Dowladda Aljeeriya ee dib loogu furayo Safaaraddeeda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid ka tarjumeysa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Guddoomiyaha ayaa rajo ka muujiyay in dowladaha kale ee Carabta ee aan safiirro joogto ah ku lahayn Soomaaliya ay ku daydaan Aljeeriya, si loo xoojiyo xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Muqdisho. Waxa uu sheegay in horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho uu fursad wanaagsan u yahay in dowladaha Carabta ay xoojiyaan joogitaankooda diblomaasiyadeed iyo iskaashigooda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay in diblomaasiyadda iyo xiriirka dhow ee Soomaaliya iyo dalalka Carabta ay muhiim u yihiin horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta ay gacan ka geysan karto horumarinta iskaashiga wadajirka ah iyo in la sii adkeeyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here