NAIROBI, Kenya — Dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa doonaya inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca amniga badda, iyadoo ay sii kordhayaan khataraha ay ka mid yihiin burcad-badeednimada, tahriibinta dadka iyo carqaladaha saameynaya isu-socodka maraakiibta ganacsiga.
Mas’uuliyiin dhinaca amniga badda ah oo ka kala socday Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti ayaa toddobaadkan magaalada Nairobi ku yeeshay kulan looga hadlay sidii loo wajihi lahaa khataraha isa soo taraya ee ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo kamid ah marinada ugu muhiimsan dunida.
Kulanka oo socday laba maalmood ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadaagga xogaha la xiriira amniga badda, iyadoo la isla qaatay in khataraha gobolka ka jira aysan si wax ku ool ah u maareyn karin hal dal oo keliya.
Shirka waxaa fududeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC), iyadoo ay taageero ka geysteen Midowga Yurub, INTERPOL, Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) iyo Urur Goboleedka IGAD.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen baahida loo qabo in hay’adaha sharci-fulinta iyo kuwa amniga badda ee dalalka gobolka ay si dhow u wadaagaan xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada halista ah, si loo ogaado loogana hortago khataraha ka hor inta aysan saameyn ku yeelan maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha amni ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo amniga marin-biyoodka Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa isku xira Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys, taasoo ka dhigaysa amniga gobolka mid muhiim u ah isu-socodka ganacsiga iyo sahayda caalamiga ah.




