Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

0

Baydhabo – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan xasaasi ah xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula yeeshay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo.

 

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka lagu sifeeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee wadada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo ay sidoo kale goob joog ahaayeen saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiisha Ciidamada Deegaanka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha amni ee Baydhabo iyo deegaanada ku hareeraysan, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gaareen magaalada, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee socda si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Saraakiisha ayaa guddoomiyaha siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlgalka guuleystay ee lagu sugay amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku ammaanay ciidamada qalabka sida dadaalkooda iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca qaranka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan la dagaalanka fikradaha xagjirka ah, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyees Cali Xasan.May be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here