Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab u adeegsan jireen farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka dagaalyahannada.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda, howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu beegsaday xarumo qarsoodi ah oo kooxdaasi u adeegsan jirtay sameynta walxaha qarxa iyo dayactirka hubka.
Howlgalkaas ayaa lagu burburiyay qalabkii farsamada, keydkii hubka ee yaallay xarumahaasi, iyo laba gaari oo loo diyaarinayay qaraxyo. Sidoo kale, waxaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray injineerro iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Dhanka kale, howlgal labaad oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa ka dhacay deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad la abaabulayay si ay weerarro u fuliyaan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wajiga koowaad ee howlgalka lagu dilay 12 maleeshiyaad ah, halka wajiga labaad lagu khaarijiyay sagaal kale oo ka firxaday weerarkii hore balse mar kale lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wiiqeyso awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.




