Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.
Kulanka ayaa looga hadlay warbixin ku saabsan hawlaha, waajibaadka iyo shaqada uu guddigu hayo, iyadoo Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu bogaadiyey dadaallada Guddiga ee ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga ku boorriyey in hawlaha iyo shaqada uu qabto si joogto ah lala wadaago Golaha Shacabka, si loo xoojiyo iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogta ee u dhexeeya labada dhinac.





