Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan

0

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

 

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Kulanka ayaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka, iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.No photo description available.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here