Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La Kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab-istaagga ay u fidiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu si gaar ah u xusay taageerada Qatar ee la xiriirta ilaalinta midnimada Qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka ah ee ay ka hirgelisay dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka.May be an image of one or more people, headscarf, dais and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here