Muqdisho – Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Madasha Wadahadalka Istiraatiijiga ah ee Maalgashiga, taas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha maalgashiga iyo bangiyada Soomaaliyeed, iyo sidii loo kobcin lahaa fursadaha iyo mashaariicda maalgashi ee dalka.
Madasha ayaa looga hadlay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, baahiyaha maalgelinta, mashaariicda u diyaarsan maalgelinta iyo doorka bangiyada Soomaaliyeed ee taageeridda maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu saleeyay mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu xoojinayo kobaca dhaqaale ee uu hoggaaminayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, oo ka hadlay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la isku xiro fursadaha maalgashi ee dalka iyo awoodda maalgelinta ee hay’adaha maaliyadeed, si loo fududeeyo maalgelinta mashaariicda wax-ku-oolka ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa ka hadlay doorka bangiyada Soomaaliyeed ee taageeridda maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga. Dr. Axmed Khadar ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan iskaashi oo wax-ku-ool ah, kaas oo fududeeya maalgelinta mashaariicda iyo ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.
Madasha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya hay’adaha maalgashiga, bangiyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.




