Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga, kana wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Maxamed Al-Mowallad, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Safiirka Sacuudiga ayaa ugu horreyn Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyay doorashadiisa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirrada ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here