Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Máthé.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan horumarinta wada shaqaynta Golaha Shacabka iyo hay’adaha sharci-dejinta ee Midowga Yurub. Labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda Golaha Shacabka, loona ballaarin lahaa isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha dhinaca sharci-dejinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu Soomaaliya ka siiyo dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.May be an image of suit and the Oval OfficeMay be an image of dais, the Oval Office, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here