Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo wafdi uu hoggaaminayo ku gaaray dalka Jabuuti

0

JABUUTI – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo ayaa  gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee dalkaasi kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Safarka Guddoomiyaha ayaa ah booqasho rasmi ah oo qaadan doonta afar maalmood, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Golaha Qaranka, Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Booqashadan ayaa muhiim u ah xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, horumarinta iskaashiga labada baarlamaan, is-weydaarsiga khibradaha iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada dal iyo shacabkooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa safarkan ku wehliya Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here