Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

0

Masar, Qaahira – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira.

 

Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, iyo diblomaasiyiinta ka howlgala safaaradda.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee xarunta safaaradda, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo shaqada uu Danjiruhu ka hayo matalaadda qaranka, ilaalinta danaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa dhankiisa Wasiirka uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid safaaradda, isagoo adkeeyay in safaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, korna loogu qaadayo sumcadda iyo danaha qaranka Soomaaliyeed ee dalka Masar.May be an image of daisMay be an image of one or more people, newsroom, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here