Arusha, Tanzania – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Jacob M. Oboth.
Labada guddoomiye ayaa kulanka intii uu socday is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga baarlamaannada labada dal, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo kobcinta aqoonta hay’adeed.
Sidoo kale, waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda, loona dardargelin lahaa iskaashiga ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo is-dhexgalka bulshada Bariga Afrika.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal, si loo horumariyo iskaashiga iyo danaha wadajirka ah ee shucuubta gobolka.




