Xasan Sheekh oo Madasha Al-Calamayn ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya

0

Al-Calamayn – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadayaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.

“Soomaaliya ma aha oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah inay nala dhisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka qaybqaataan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isagoo sheegay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo xaqiijinta horumar waara.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.

Madasha Al-Calamayn–Afrika ayaa fursad u ah Soomaaliya inay soo bandhigto fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee dalka, isla markaana ay xiriirro ganacsi iyo iskaashi la yeelato dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalaya madasha.May be an image of one or more people and textMay be an image of lighting, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here