Guddoomiyaha guddiga doorashada oo gaaray magaalada Baydhabo

0

Baydhabo (SMN) – Gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan Cirro iyo Xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedada safarka ayaa daaran gogol xaarka iyo diyaarinta arrimaha farsamo ee doorashada golaha shacabka oo dhawaan bilaaban doonta.

Baydhabo iyo Baraawe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada doorashada golaha shacabka oo ka dhacaya labadaasi magaallo, marka loo eego maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan ku socota jawi wanaagsan, iyada oo lasoo gaba-gabeeyey mida aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here