Madaxweynaha Galmudug oo si adag uga hadlay dagaalka Guriceel

0

Guriceel (SMN) – Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna.

Ugu horreyn waxa uu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dagaalkaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah, wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aad uga xun yahay barakacinta dadweynaha ku dhaqaan gudaha magaalada Guriceel.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mowqifka Galmudug uu mar-walba yahay in wax lagu xaliyo wada-hadal balse ay Ahlu-Sunna ka dhago adeegtay, sida uu hadalka u dhigay.

Qoor Qoor ayaa intaasi ku sii daray in Galmudug ay ku qasbanaatay inay iska difaacdo Ahlu Sunna, ayna dagaal ku qaado, si looga saaro deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale ku dhaawaqay guddi cusub oo ka kooban xubno golihiisa wasiirada iyo maamulka degmada Guriceel, kuwaas loo xil saaray inay gar-gaar deg deg ah gaarsiiyaan dadweynaha reer Guriceel ee ku barakacay dagaalka haatan socda.

Dagaalku wuxuu galay maalintii afaraad, iyada oo aan waxba la’isku reeban, waxaana ka dhashay khasaare xoog leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac.

Ma jirto illaa iyo hadda xabad joojin ay gaareen labada dhinac, waxaana weli ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan oo ku aadan dagaalkaasi.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray xiisad xoogan oo ka dhalatay, markii ay ciidanka Ahlu Sunna la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here