Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo guddoomiyay shir caalami ah + Sawirro

0

ADDIS ABAB (SMN) –  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa guddoomiyey shir si heer sare ah loo soo agaasimay kaas oo qeyb ka ah Kalfadhiga 14-aad shir-weynaha sanadlaha ah ee Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

 

Shirkaan ajandayaasha looga hadlay waxaa kamid ah inta uu socday arrimaha sugnaanta cunnada, dhiirrigelinta wax-soo-saarka beeralayda gobolka iyo in beeralayda beertaan dalag u adkaysan kara Isbeddelka Cimilada iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxaa ku wehliyey Wasiirrada Waaaradaha Beeraha dalalka Itoobiya, Maali iyo wakiillo kala duwan oo ka socday hay’ado caalami ah iyo masuuliyiin kale duwan oo SoDMA ka tirsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here