DF iyo dowlad goboleedyada oo yeeshay wadahadallo xasaasi ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda 𝗠𝗱. 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗰𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗗𝘂𝘄𝗮𝗻𝗲 𝗜𝘀𝗮𝗮𝗾 iyo Cabdicasiis Shire Madaxa Mashruuca EA-RDIP ayaa Shir lagu qabtay Khadka Fogaan arraga la qaatay Wasiirada Isgaarsiinta Dowladaha xubnaha ka ah DFS, waxaana looga hadlay xoojinta xiriirka iyo Wadashadqeynta labada dhinac.

 

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Hirshabeelle, Md. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱, Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed, Md. 𝗖/𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Md. 𝗠𝘂𝘅𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝘂𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶 𝗖𝗶𝘀𝗺𝗮𝗮𝗻, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta, Teknolojiyada ee Jubaland 𝗠𝗮𝘀𝗰𝘂𝘂𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝘂𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗶 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 iyo Agaasimaha Waaxda Teknolojiyada Gobolka Benaadir Md. 𝗬𝘂𝘀𝘂𝗳 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗖𝗮𝗹𝗮𝘀𝗼𝘄.

Ugu horeyn Wasiirada Isgaarsiinta Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa soo dhaweyey Wasiirka Cusub ee Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan, howlihii socdayna halkeeda laga sii wado.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa ka mahadceliyey sida ay ugu soo qeybgaleen Shirka Wasiirada Isgaarsiinta dowladaha xubnaha ka ah DFS… “𝑆𝘩𝑖𝘳𝑘𝘢 𝘮𝑎𝘢𝑛𝘵𝑎 𝑤𝘢𝑥𝘢 𝘶𝑢 𝑎𝘩𝑎𝘢 𝘐𝑠𝘣𝑎𝘳𝑎𝘴ℎ𝘰, 𝑤𝘢𝑎𝘯𝑎 𝑘𝘶 𝘧𝑎𝘳𝑎𝘹𝑠𝘢𝑛𝘢ℎ𝘢𝑦 𝑚𝘶𝑑𝘥𝑜 𝑘𝘰𝑜𝘣𝑎𝘯 𝘪𝑛 𝑢𝘶 𝘯𝑜𝘰 𝘲𝑎𝘣𝑠𝘰𝑜𝘮𝑎𝘺 𝘚ℎ𝘪𝑟𝘬𝑎𝘢𝑛, 𝘞𝑎𝘴𝑎𝘢𝑟𝘢𝑑𝘥𝑎 𝑚𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮𝑎𝘥 𝘸𝑒𝘺𝑛 𝑎𝘺𝑒𝘦 𝘶 𝘭𝑒𝘦𝑦𝘪ℎ𝘪𝑖𝘯 𝘞𝑎𝘥𝑎𝘴ℎ𝘢𝑞𝘦𝑦𝘯𝑡𝘰𝑜𝘥𝑎 𝑊𝘢𝑠𝘪𝑖𝘳𝑎𝘥𝑎 𝑑𝘰𝑤𝘭𝑎𝘥𝑎𝘩𝑎 𝑥𝘶𝑏𝘯𝑎𝘩𝑎 𝑘𝘢 𝘢ℎ 𝐷𝘍𝑆, 𝘞𝑎𝘴𝑎𝘢𝑟𝘢𝑑𝘥𝑎 𝑤𝘢𝑥𝘢 𝘢𝑦 𝑚𝘶ℎ𝘪𝑖𝘮 𝘶 𝘵𝑎𝘩𝑎𝘺 𝘋𝑎𝘭𝑘𝘢 𝘰𝑜 𝑑𝘩𝑎𝘯, 𝑤𝘢𝑎𝘯𝑎 ℎ𝘢𝑙𝘬𝑎 𝑛𝘢 𝘨𝑎𝘢𝑟𝘴𝑖𝘪𝑛𝘬𝑎𝘳𝑡𝘢 𝘢𝑑𝘶𝑢𝘯𝑘𝘢 𝘮𝑎𝘢𝑑𝘢𝑎𝘮𝑎 𝑇𝘪𝑘𝘯𝑜𝘭𝑜𝘫𝑖𝘺𝑎𝘥𝑎 𝑎𝘺 𝘯𝑜𝘲𝑜𝘵𝑎𝘺 𝘍𝑢𝘳𝑎𝘩𝑎 𝐻𝘰𝑟𝘶𝑚𝘢𝑟𝘬𝑎”……ayuu yiri Wasiir 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶

Iyada oo la fulinaayo howlaha mudnaanta u leh Qorshaha Barnaamijka 𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗻-𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 ayaa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay xoojineysaa ka dhabeenta Qorshahaas oo laf dhabar ay ka yihiin Wasaaraddaha dowladaha xubnaha ka ah DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here