Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay safiirka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

 

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ka burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qayb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here