Xiisad Dagaal Oo Weli Ka Taagan Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan

0

JALALAQSI – Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen laba beelood oo wada dega deegaankaas.

 

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo rasaas iyo dagaallo goos-goos ah, iyadoo dhinacyada isku haya colaadda ay adeegsanayaan hub kala duwan. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalladu sii xoogaystaan haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Maamulka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay u hoggaansamaan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka.

Wararka ayaa tilmaamaya in colaaddan ay salka ku hayso aanooyin iyo khilaafyo qabiil oo soo jireen ah, kuwaas oo marar badan sababay dagaallo iyo iska hor imaadyo soo noqnoqday oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka deegaanka ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, loogana hortago in colaaddu sii faafto. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya saameynta ay dagaalladu ku yeelan karaan amniga, nolol maalmeedka shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmada.May be an image of map and text that says "Dowladda Hirshabeelle Hirshabelle State of Somalia BAAQ-NABADEED 19-June-2026 Dowladda Hirshabeelle waxay ku baaqeysaa si deg deg ah oo sharuud 'aan 0o joojiyo colaadda beelaha walaalaha ah ku dhexmareyso degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan. Dagaalka ayaa dhaliyey qasaaro kala duwan 00 dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac. dhimasho, Waxaa gaar ah loogu odoyaasha dhaqanka, culuma'udiinka iyo waxgaradka inay deg deg ah uga shaqeeyaan qaboojinta xiisada. Dowladda Hirshabeelle, waxay aad uga xun tahay colaada dhibaatada dhexmartay dadka walaalaha deriska ah. Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna uu boogo dhayo. -DHAMMAAD- @hirshabelle.gov.so"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here