Baydhabo – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.
Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA ayaa salka ku haya xoojinta diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan u-diyaargarowga saameynta la filayo ee Super El Niño, kaas oo sababi kara roobab xooggan iyo fatahaado.
Booqashada ayaa sidoo kale la xiriirta xoojinta wada-shaqeynta Hay’adda SoDMA iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si loo kordhiyo diyaar-garowga iyo awoodda wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.




