Antalya, Türkiye – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Türkiye kulan kula yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Turkiga (AFAD), Mudane Ali Hamza Pehlivan, kaas oo ka dhacay xarunta AFAD ee aagga Green Zone ee shirka COP31.
Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada hay’adood, is-weydaarsiga khibradaha farsamo, horumarinta digniinta hore, u-diyaargarowga musiibooyinka iyo xoojinta awoodda hay’adeed ee SoDMA.
Labada dhinac ayaa isku raacay dhismaha koox farsamo oo wadajir ah, si ay uga shaqeyso diyaarinta hannaan iskaashi rasmi ah, tababarrada iyo ka faa’iideysiga khibradda AFAD ee maareynta musiibooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii abaaraha ee 2011-kii, isagoo sidoo kale ku tilmaamay iskaashiga cusub mid muhiim u ah horumarinta iyo xoojinta dadaallada maareynta musiibooyinka.



